Thursday, April 12, 2018

Hooyadii Bulshadeeda nalka u shiday!


Maryam Banbara waa Hooyo ku nool degsiimo miyi ah oo ku taalla wadanka Sinigaal; waa Injineer ku shaqeeya qalabka Soolarka ee dabka ka dhaliya iftiinka cadceedda, oo ay ku soo baratay wadanka Hindiya iyadoo ay bulshadeedu u diratay inay usoo barato cilmigan Soolarka ee ay baahida daran u qabeen. Waxaanu ku booqanay Qolkeedii Soolarka ee xaafadda Keur Simbara, illaa 200  oo qoys ayay farsamo yaqaan u tahay, weliba intaa waxa u dheer imika deegaanada la jaarka ahna caan ayay ka tahay maadaama oo ay bedesho unugyada Soolarka ka xumaada oo hab macmal ah oo ay iyadu hal abuurtay ay u farsamayso.

Waxaa na xiiso iyo karti geliyey; Haweenaydan oo da’ ahaanna aad aragtaan inay u safartay muddo saddex bilood ahna ku maqnayd wadan debedeed si ay u daboosho baahi bulshadeedu u kadeednayd; ka dibna ay ka haqab tirto qoys kasta oo bulshadeeda ka mid ah inuu ileys shito iyagoon lacag badan bixinayn. Qoys kasta waxay bishii bixiyaan $2 (labo doolar) mid iyadaa mushahar u qaadata; ka kalena waxaa loo dhigaa adeegga Soolarka wixii ka xumaada, waa hooyo firfircoon oo bulshaduna ixtiraam weyn u hayso, ‘xaafad isku filan dheh; markay adeega laydhka timaad’.
Inaad Bulshadaada baahi ka dabooshaa waa masuuliyad ku saaran; oo aan da’ iyo xayn daab kale toona kaaga xidhnayn waa adiga iyo goortaad fahamto ood bilawdo!

Friday, March 30, 2018

Kulankii dhaymaha qaranka (Qabyaaladdiid)


Kulankii qabyaalad-diidka ee ka qabsoomay magaalada Burco 29-30 March 2018; wuxuu ahaa kulan aan ka baaqday balse qalbigaygu ka qaybgalay, waan bogaadinayaa dhallinyarada is xilqaantay ee u istaagay inay bulshadooda baraarujiyaan, xalna u raadiyaan mushkiladan.

Qabyaaladdu waa masiibada ugu weyn ee haysata qarankan Somaliland, kasoo bilaw xilligii laga xoroobaayay gumaystaha ogow wixii Xamar ina geeyey waxay ahayd inaynu qabiilooyinkeena kala badbaadinno; marka si dhab ah loogu fiirsado arrintaas; walaw aan si cilmiyeysan loo baadhin hadana illaa hadda inta laga qoray waxay muujinaysaa isu muuqadka qabiilooyinka ayaa keeney inaynu qarankeennii ku dhex tuurno meel aynaan garanahayn waxa inagaga soo baxaaya, dabadeedna weynagii eednay. Maanta oo laga joogo 58 sano weli waa masiibada ina haysata, ee saboolnimada iyo sidaynnu nahayba inoogu wacan, xalkeeduna waa arrinta shirka Burco lafa guray maanta.

Thursday, March 15, 2018

Socdaalkii Senegal: Kaga bogo halkan

Wadanka Sinigaal ‘Senegal’ wuxuu ku yaallaa cidhifka galbeed ee qaaraddan cagaaran ee Afrika, wuxuu deris kala yahay dhinaca bari wadamada Guinea iyo Guinea Bissau, waqooyina Mauritania iyo Mali, Inta kalena bad-weynta Atlantic, waxaa xusid mudan inuu wadanka Gambia sidoo kale yahay wadan ku dhexjira Senegal oo dhinackasta uu kaga wareegsanyahay xagadda baddda mooyaane.
Taariikhda cusub ayuun baynu ku bilaabaynaaye, wuxuu xornimada ka qaatay wadanka Faransiiska 1964kii, waxaana madaxweynihii ugu horeeyey noqday Léopold Sédar Senghor oo xukumaayay 1964-1980kii; ahaana nin Kiristaan ah iyadoo wadanku yahay 94% Muslim, haye! Bal kasitee, waxaana xigay Abdou Diouf 1980 illaa 2000 waxaana bedeley Abdoulaye Wade oo xilka hayay 2000-2012kii, waxaana hadda madaxeyney ka ah Macky Sall oo isna Kiristaan ah.
‘Waxaa xusid mudan in wadankani yahay ka keliya ee galbeedka qaarada ku yaalla ee aan Af-gembe Meleteri ka dhicin weligii”

Monday, June 12, 2017

Barnaamijka kasoo kabashada abaaraha: Falanqayn iyo talooyin

Abaaruhu waa masiibo ku soo noq-noqotay ummadaha ku dhaqan geeska Afrika somalidana si gaara u aafeeya markasta, sababtuna waxaa weeye wax qorshe u diyaar garaw ah ama ka artatabansi ah ayaanay lahayn.
Sannadkani (2016/2017) wuxuu ahaa kii ugu saamaynta badnaa in muddo ah; marka laga eego baaxadeeda iyo tacluusta la socotay ee xoolaha galaafatay. Hadda oo raxmaddii ilaahay shubay badi, waxaan indhahayga ku soo arkay sida ay meelo ka mida baadiyaha  durugsan ee gobolka togdheer u saamaysay iyo sida xaaladda dadku tahay xilligan, waxaamay u badantahay in goobaha kalena la qabaane waxaan ku soo arkay:

Thursday, March 2, 2017

Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane!



Somalidii ku dhaqnayd geeska Afrika ee la bartay xilligii gumaystuhu qaybsaday una kala jar-rajay shanta meelood ayaa la sheegaa inay ahaan jireen gumeystaha ka hor ummad u dhaqan hab qabiili ah oo isma bixiso ah, wax ilbaxnimo ah oo horumar lagu beegsado ama lagu majeertana aan lahayn. Hasa yeeshee waxaa lagu sifeeyaa ummad fir-fircoon oo dadaal badan; waxay u hagar baxaanna si fudud uga midho dhalin kara.
Gumaystuhu wuxuu heeryadiisa ka laab-laabtay muddo laga joogo 57 sano isaga oo aan waxba u qaban; ha ahaato aqoon, kaabayaal dhaqaale iyo farsamo toona. Waxaa majarihii la wareegay Somalidii ahaan jirtay qabaail ka aan isbixin oo xornimadii lagu wareejinayayna ku sifeeyey HAL ka mida geelii ay kala dhici jireen, oo ay weliba usii dheertahay kala xad ama waxa loo yaqaanno Musuq.

Tuesday, January 24, 2017

Cudurka kaa gala fardaha, Haddii laga gubo dameer, Dawada lama gaadhayee...

Sixir bararka Somaliland ka jira weli xalkiisii lama helin, go'aanka golaha wasiiradu maanta kasoo saareena waa ka dar oo dibi dhal.
Waxaa wadanka ka jirta xil gudasho la'aan baahsan oo  cuqdadna ka qabta adeegsiga aqoonta. Waxaan ku talin lahaa qodobadan soo socda:





  •   In arrintan sixir bararka lagu fardaamiyo isu keenista aqoon yahanka wadanka si ay u keenaan xal waara oo dhaqaalaha wadanka jaho loogu sameeyo.
  • In sida ugu dhakhsiinyaha badan loo sii hakiyo qaadka iyadoo lagu soo rogaayo in aanu magaalooyinka soo gelin 12:00 duhurnimo ka hor, ugu danbayna 2:30 gelinka danbe, Meel aan bangiga dawladda ahayna waa in aan laga sarifin lacagta qaadka.
  • In Bangigu si dhakhso ah suuqa u geliyo lacag doolar ah si xaaladda loo qaboojiyo
  • In cashuurta lagu qaado noockasta oo ay tahay ba SL shillin.

Thursday, January 5, 2017

Shahaado sharaftii ay igu sagootiyeen maamulkii hore ee Dallada NAFIS

Sharaf ayay noo ahayd aniga iyo shaqaalahaygaba in Maamulkii sare (Board of Directors) ee aannu soo wada shaqaynaynay afartii sano iyo badhkii tegey ay nagu sagootiyaan shahaado sharaf ay igudoonsiiyeen; taasoo ay bogaadin iyo dhiirigelini ku dheehantahay, noona suntaysa inaanu muujinay karti iyo xilkasnimo la mahadiyey oo ka muuqata koboca iyo kuritaanka Dallada NAFIS Network.

Waxaannu mahad iyo bogaadin u celinaynaa Xubnaha maamulkii sare ee Dallada NAFIS network, gaar ahaanna Guddoomiyihii hore Amina X. Muhumed Warsame (Amina Milgo), oo hogaamin, karti iyo wada shaqayn nagu hogaaminaysay 4.5 sano ee ina dhaafay, waxaannu u rajaynaynaa barwaaqo iyo badhaadhe aduun iyo aakhiraba.