Buuggan oo ay daabacday
shirkadda Sagaljet bishii 7aad ee sannadkan 2016ka wuxu ka kooban yahay 450 bog
iyo 9 cutub, qoraaguna wuxuu u bixiyey RAAD-RAACA TAARIIKH SOMALIYEED; oo uu
kasoo bilaabayo intii uu garaadsaday (ardaynimadiisii) illaa cimrigiisa maanta.
Qoraagu si qodobaysan oo farshaxannimo ku jirto ayuu sawir buuxa uga bixinayaa
xaaladdii geyiga Somaliyeed ee xilligii hana-qaadkiisa iyo gebi dhaclayntii
ummada Somaliyeed ee illaa maanta.
Qoraaga oo ah
hayin iyo ruug caddaa soo shaqeeyey ummadda Somaliyeed, ahna taariikh dhaadhi
ay maalmuhu u kala suntanyihiin ayaa sida uu
sheekooyinka iyo dhacdo tebinta u xardhay kaa saxeexaysaa inaad shaaha illawdo,
xilli danbena adoo keligaa isla mashquulsan aad is aragto; siiba waxaan
dareemayaa in da'dayadan dhexe uu macno iyo xadanto gaara u samaynaayo.
Waxaan aad u
jeclaystay xiiso iyo laxan gaarana ii
sameeyey labo qormo oo qoraagu si mugleh ugu xardhay buuga. Qormada hore waa
sawirka uu qoraagu ka bixiyey xaaladdii Somalidu ku sugneyd xilligii isu
diyaarinta xornimadii laga qaatay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga;
siiba dhinaca jawiga siyaasiga ahaa iyo hab fekerkii madaxdii ama
siyaasiyiintii xilligaa ee labada dhinacba. Qoraagu wuxuu si farshaxannimo ah u
sawiray lahmadii shacabka iyo is qanjiidhintii siyaasiyiinta ee xilligaa. Qormadaasi
waxay isugu kay xidhay sheekooyin teel-teel igu ahaa oo aan ku bawsaday in
Somalidu ku ababtay siyaasadda qabyaaladaysan.
Sawirka labaad ee
aan aadka u xiiseeyey waxaa weeye qormada ka waramaysa israacii labadii
Somaliyeed ee kala ahaa Maxmiyadii Somaliland iyo Somalidii talyaanigu
gumaysanaayay oo ahaa jibbo iyo caashaq dhinac ka rarnaa, siyaasiyiintii
Somaliland oo rabtay inay si miidaamo ah ula midoobaan Somalidaa Talyaanigu gumaysanjirey
oo maalintaas uun waagu u beryey, iyo siyaasiyiintaa Somalida Talyaaniga oo si dhab
ah u fahansanaa dhibaatada israaca oo weliba si aan leex-leexad lahayn uga
liqinyoonday arrinka israaca, waxaanay ugu hal celiyeen "ha nala
midoobina, labo qaawani isma qaadee, halkiina ku negaada, dawladdiina adkaysta,
dalkiina dhista, dad iyo dawlado walaalo ah oo iska war haya aynu noqono"
markay soo jeedintaa qoladii Somaliland ka socotay indhaha ka qabsadeena waxay
ugu laab qaboojiyeen "aynnu sannad kala maqnaano; wixii sannadkaa ka
danbeeyana aynu israaca ka wada hadalno" iyo yeeli maynno. Maantana cidi
idiinka sheekayn mayso siday arrimuhu u kala rogan yihiin. Waxaa jirtey maah
maah Somalidu dhalinyarada ku waanin jirtey oo qaddiyadan ku dhabawday "dhubuq dhubuq hore; dhabanna hays danbay
leedahay".
Dhacdooyinka
buugu ka waramayaa kuma koobna oo keliya somalida balse in ka badan 100 bog
wuxuu qoraagu si goob-joognimo u badan ku qaadaa dhigayaa xaaladihii siyaasiga
ahaa ee wadamada bariga Afrika sida Uganda oo uu si gaara isu dul taagaayo
Madaxweynihii hore ee la odhanjirey Idi Amin, Ethiopia, Kenya, Tanzania iyo
wadamo kale oo qoraagu si toosa ama si dadban ugasoo shaqeeyey. Waana dhacdooyin
dhaxal gal ah oo laga saadaalin karo biqliddii iyo hana qaadkii wadamada qaaradda
gumaystihii ka dib iyo sida ay tuura tuuraha u leedahay hogaminta iyo aragti
socodka qaaraddu; oo la odhan karo weligeed 10 hogaamiye oo isku aragti ah may
u hana qaadin; waana ta geyeysiisay inay qaaradaha kale aad uga danbayso.
Qoraaga oo la
ogyahay inuu khibrad durugusan u leeyahay hab qoraalka siiba luuqadda
Ingiriisida ayaa buugani noqonayaa kiisii ugu horeeyey ee uu luuqada Somaliga
ku qoro, waxaana kaaga muuqanaaya in meelo baddan ay koobantahay erey
xulashadeedu; meelo aad u badanna uu ku jiro khaladaad dhinaca daabacaada ama
erey qoraalka ah oo aan calaamadiyey nuqulkii aan akhriyey; meelo koobanna
waxaa jira laaxin dhinaca naxwaha ah. Sidaa daraadeed waxaan qoraaga kula talin
lahaa inuu hore u soo saaro daabacaada labaad ee buugga isagoo tixgelinaaya
falcelinada lagasoo jeediyey daabacaadda kowaad.
Akhrisyataasha
buuga siiba dhallinyarada imika ku ababaysa taariikhda oo ah shayga laga dhex
hilaadiyo nolosha iyo horumarka ummada, waxaan kula talin lahaa inay buugan
akhriyaan si ay feker uga helaan geedigii ummadan Somaliyeed ee maanta jirta; si
ay bino ugu noqoto yagleelidda nolol
cusub iyo Somali cusub oo dhexdooda iyo aduunyada kaleba sharaf iyo horumar
kula nool, quruumaha aduunyada muuqaal qurxoon oo la ixtiraamo ku leh.
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com
gaas96@gmail.com
No comments:
Post a Comment