Tahriibka ama dhalandhoolka loo jeestey wadamada
reer galbeedku maaha dhibaato ay sababtay oo keliya dhaqaale xumo ama faqri
haysta dadka tahriiba balse waa mushkilad leh xididdo badan oo sida ay ku sheegeen
warbixin ay soo saartey qolada la yidhaahdo Global initiative[1]
horraantii sannadkan 2014 ka, qodobada
ugu muhiimsan ee dabada ka riixaaya qul-qulka hayaanka dhallinta Afrika ay ka
mid yihiin:
§
Walow qaaraddu
ay hadda hesho dhaqaale si weyn u kobcaaya, hadana waxay ku guul dareysatay
inay dhaqaalahaas u adeegsato horumar nololeed oo waara oo ay helaan
dhallinyaradeedu.
§
Dagaallada,
khilaafyada iyo musuq-maasuqa aan demin ee dabeecadda u noqday qaaradda ayaa
iyaguna ah qodobo saamayntooda leh.
Markaan akhriyey warbixintaas waxaan ku biirin lahaa
qodob kaloo ah “hogaan xumo haysata bulshada qaaradda Afrika oo sabab u noqday
inay qaaraddu weydo meel ay hiigsato ama bidhaaminta hiigsiga tobanka ama
labaatanka sano ee soo socda, taas oo dhalisay inay dhallintu is weydiiso ama
mid-mid ugu guuxdo su’aalahan:
ü
Xaggeed u
socotaa oo aad halabsanaysaa tobanka ama labaatanka sano ee soo socda, kalaanad
se ka bilaabaysaa?,
ü
Ma sidan baad u
dhex taagnaanaysaa? Mise waddo kale ayaa kuu furan?,
ü
Meeye qolyihii
ama jiilkii kaa horreeyey?, iyo waakuwan cirka iska haya IWM.
Su’aalahaasi waa kuwo u baahan inay ka hor intaanay
dhalinyaradu is weydiin ay ka sii jawaabaan dadka aqoonta iyo hogaanka u ah
ummaddan qaaradda Afrika. Markii taas lagu guul darreystey ayay dhaqaaqday
dhallintii, dawadiina weli lama helin oo meelo kale oo ay ka mid yihiin in
shaqo abuur iskaba adkaatay oo aan qorshe iyo cid abaabulan toona loo hayn la
sameeyo iyo in xuduudaha la isku hortaago ayaa wakhti iyo maskaxba ku
idlaadeen, balse waxay dhallintu qaadayaan “cudurka
kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayee….”.
Waxaan xalay (7dii
bishan sagaalaad-14) dhegeystey Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee
Somaliland oo leh; “Waxaanu soo ogaanay in 95% aanay dhibaato dhaqaale wadin
dhallintan tahriibaysa, wax aanu ka qaban karnaana ma jirto ee waxaanu leehanay
ilaahayow naga sabata saar.”
Maryam (Nebi ciise hooyadii CS) ayaa laga diiday
ilaahaw fadhi wax igu sii oo markii ay gaajootay iyada oo umul ah ilaahayna
weydiisatay cunto, wuxuu Ilaahay ku amray inay ruxdo geedka ay hoos taagantahay
si ilaahay midho uga soo daadiyo, sidaas ayaana lagu cunto siiyay (ogow ilaahay waxba kuma ahayn inuu fadhiga
ku arsaaqo balse waxaa la barayay dhaqanka wax qabsiga).
Aduunyada waxaa la inoo keeney inaynu shaqaysanno oo
nolosheena ku fillaano balse maanta taa cagsigeeda waxaynu ku nasanay shaqaysi
la’aan iyo feker la’aan, welina diyaar uma nihin oo sidii aynu isugu filnaan
lahayn kamaynaan tashan, ilaahayna weli inooma soo dirin hogaan inagu haga isku
filnaansho hadaynu nahay ummada Somaaliland, oo labaatankii sano ee ugu
danbeeyeyba nabada ahaa, ayna hortaalay fursada u midaynta xoogeeda,
maskaxdeeda, iyo aqoonteedaba siday
wadada isku filnaanshaha nolosha cagta u saari lahayd, balse looma dhaqaaqin.
Tusaale; wadankeenna wax-soo-saarkiisu aad buu u
kooban yahay, xoolaynu lahaan jirney oo iyagiina magaalo ayaynu kasoo galnay,
dhulkiina umaynaan dhawrin, falashada beerahana looma soo jeedo dad yar oo
fara-ku-tiris ah mooyee, badna hadalkeedaba iska dhaaf. Su’aasha ina hortaalla
ee dhallin bandanna dhuunta u dhaafi weydey waxa weeye; haddii ilaahayba inuguma keenee baddu 10 maalmood yara xidhanto,
nolosha shacabka Somaliland siday noqonaysaa? Illeen waxkasta oo aynu
cunno, huwanno, ama si kale u isticmaallo waa soo dhoofsanaaye. Tobanka sano ee soo socda xagaynu
higsanaynaa? Labaatanka sano ee soo
socdana sidaynu u eekaanaynaa?, ma
leenahay hiraal qaran? Mase leenahay
qorshe uu ku tashan karo qofkasta oo reer Somaliland ah, habeenkii markuu
seexanaayo, subixiina hirgelinta kaalinta kaga aadan ku foofo?.
Maanta cidna canaanan maynno oo masuuliyadda weynu u
dhannahay dhamaan aqoon yahay, siyaasi, madax, ganacsato, iyo indheer garadba.
Balse waxaa ina hor yaalla jawaabihii su’aalahaas, waxaa hore loo yidhi
maalinba awr baa dhaamiya, maanta inteenna kaalin qaadka ah ayaa ilaahay
ummadan xilkeeda ina saarey, dhitadaynu u dhignaana dhallinteena u taal.
Hadaan ahayn qoraaga maqaalkan kooban waxaan ku
talin lahaa sidii Somaliland maalintii 18 ka may go’aan ka uga gaadhay madax
banaanideeda, mar labaad ha isaga timaado go’aan ka horumarka iyo isku
filnaanshaha qarankan curdinka ah ee sabool ka ah. Si kale haddaan u dhigo
hadda waxaynu leenahay haayado dhisan oo hadday masuuliyaddooda gudanayaan
tuujin kara maskaxda ummadan, xariiqi karana hiraalka qarankan oo qorshe
wata ummadana ka gadi kara, iyaga oo
adeegsanaya aqoontan aamustay ee ummadani leedahay.
Waxaa ina horyaalla inaynu maskaxdeena meel isugu
keeno, oo meelkasta hajoogee ummada qarankan wax u baratay la kulmiyo, ayna
iftiimiyaan sida, qaabka, iyo waddooyinka horumar waara iyo isku filnaansho
nololeed lagu gaadhsiin karo wadankan. Haddii taladaas sideeda loo dhaqan
geliyo, oo shacab iyo xukuumad isku duubani dhexda u wada xidhaan (Illaahayna ku talo saartaan). Waxaan
aaminsanahay in dhallintu negaan doonto, dhulkuna sidan dhaami doono,
ummadeenuna kuso toos mustaqbal yeelan doonto, nolosheenana wakhti yar gudihii
is bedel ballaadhan, oo sababna u noqon kara soo gucleynta waxyaabaha aduunyada
kale inagaga maqan aynu hantiyi doonno.
[1]
Global initiative against transnational organized crimes: Smuggled Futures: The
dangerous path of the migrant from Africa to Europ, May 2014
No comments:
Post a Comment