Friday, April 29, 2016

Budhcaddii telifoonka, Iska jira!



Waxay ahayd galab jimce ah oo cadceedu liiqa dhigtey; afkana lagu hayo eedaankii salaada makhrib, waxaa isoo wacay tilifoon; kuye waa hebel (maba sii xasuusto magucu ii sheegaye): "waxaan ka imid Ingiriiska, number kaagana waxaa isoo siiyey Xamse hebel hebel oo yidhi wadankii raggaasaa joogee la hadal" - Xamse waa nin aanu saaxiib nahay, aqoon fiican-na aan u leeyahay. Waxa uu sii raaciye: "waxaan kasoo degay Itoobiya, waxaan gaadhi kasoo kireystay Wajaale, waxaana ila socota xaaskii iyo labo caruura imika waxaannu maraynaa Abaarso sokadeeda, gaadhigii ayaa naga xumaaday, ninkii gaadhiguna wuxuu i leeyahay Arabsiyo ayaan u doodananayaa alaabe meesha sii jooga ee isu kaaya afgaro".

Waxaan ku idhi bal iigu dhiib inanka gaadhiga wata. Maxaa kaa xumaaday, ayaan wadyiiyey? kuye gaadhiga ayaa cilladi igaga jirtaa, alaabta iga xun ayaan Arabsiyo u doonanayaa, waxaan sii weydiiyey, Hargeisa ayaaba kuu dhawe maxaad uga soo doonan weydey oo intaad tagsi u yeedhato ninkana usoo qaadi weydey?, wuxuu iigu jawaabay, inan baan la hadlee bal isug, anna waxaan ku idhi salaadaan gelayaaye markaan kasoo baxo ayaan kugu soo celin.
Markaan salaadii kasoo baxay ayuu isoo wacay ninkii qurbaha ka yimid, wuxuuna igu yidhi ninkii wuxuu i leeyahay gaadhigaan sugaayay mahayo oo igama qabanaayo ee maxaan yeelaa, intaanu wada hadlaynay ayuu igu yidhi sug-sug gaadhibaa isu kaaya taagaye; waanu igu jaray mobile kii. wax yar ka dib ayuu igu soo celiyey wuxuuna ii sheegey in gaadhi shirkadda mubaarik farmasi leedahay isu taagay, wuxuuna ii sii raaciyey walal waad mahadsantahay, anaa kulasoo hadli markaan Hargeisa imaado iyo waayahay.
Inyar kadib ayuu isoo wacay hadana, kuye walaal ninkii tagsiga ayaannu haddana is haysanaa; wuxuu igu lahaa 55 doolar anna waxaan hayaa 100 doollar; sarifna mahayuu leeyahay ee maxaan sameeyaa, waxaan ku idhi darawalka kuu joojiyay gaadhiga iigu dhiib, wuu iigu dhiibay,waa nin yara xabeeb leh, waxaan weydiiyay walal zaad ma haysataa, kuye maya, intaad boqolka ka qaado shirkadiinii la hadal oo iisoo dira ku dheh, markaad magaalada gasho ayaad siine, kuye dee walaal lama ogola in aan gaadhiga cid ku soo qaado, waxaan ugu jawaabay waa runtaa.
Inan ila fadhiyey ayaan ku idhi bal lacagtaa soo tuur aynnu kala furannee, markuu ii soo direyna waxaan ku idhi ninkii dhibanaha isaga kay dhigaayay iigu dhiib inanka gaadhiga kuu joojiyey; waxaan waydiiyey Zaad ma leedahay; kuye haa, ii sheeg number kaaga wuxuu ii yeedhiyey number kan 4435236, Cabdillahi ayaa soo baxaaya ayuu igu yidhi, waanan u direy lacagtii oo waxaan ku idhi markaad soo gasho magaalada ii soo dir; kuye waayahay.
Ninkan sheeganayay inuu Ingiriiska ka yimid oo igasoo wacaayay number kan 0633182374 ayaan wacay laba saac ka bacdi,waa lama heli karo; yaab! malaa dabkii baa ka dhacay, kii aan lacagta u direy ayaan wacay, waa uu dhacayaa lamana qabanaayo, ku cel celi, waxoogaa ka bacdi ayuu iga qabtay, waxaan ku idhi ma soo gasheen, kuye yaa, hargeisa ma soo gasheen, kuye yaa; kumaan fahmin ayuu sii raaciyay, waxaan  ku idhi miyaanad ahayn ninkii gaadhiga watay ee Arabsiyo ninka qurbaha ka yimid kasoo qaaday, wuxuu iigu jawaabay maya; walaal sarrifle ayaan ahay oo Burco ayaan joogaa ninka aad lacagta u soo dirteyna wuu ila taagnaa oo waan u sarifay, lacagtiina wuu iga qaatay.

Intaa ka bacdi waxaa ii cadaatay in sheekadu budhcadnimo ahayd, waa koox isku shaqaysanaysa filinkana si xirfadaysan u wada jileysay, kolleyna anigoo keliya maahee dad badan ayay sidan oo kale ku khiyaamaysay ee iska jira, dabagal buuxana halagu sameeyo kooxdan, gaar ahaa ciddaha ay khusayso ee shirkaddaha is gaadhsiinta iyo laamaha amaanka.

No comments:

Post a Comment