Wednesday, November 23, 2016

Musuq cune muuqan doonee | Aduunna saboolnimo aakhirana ciqaab

Erayo kooban oon kasoo xigtay heesta wacyigelinta musuqa ka digeysa ee fanaaniinta Liyuu ban ee Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya:
Musuqu waa shay aan nolosha aduunyana wax ka tarin; aakhirana naar iyo cadaab lagu mutaysto. Ogowo musuq maasuqu maaha lacag la xaday oo keliya, halkaan kaga boqo:
masuuliyaddiyo xilkoo sikale loo maamuloo
bulshada lagu kala madhoo, midnimo waxba loogu qaban
kanaa mahuraana iyo madaxa eex loogu dhaco
ayuu musuq maasuq yahay.
***
mudada shaqada u cayiman, ninkii meereysta ee
adeegii laga mudnaa, maal iyo laaluush ku xidha
maangabka xilkiisa gabay meeshuu doono iska mara
ayaa musuq maasug galay
***
Guri wada muraayada oo maalinta aad dhimatana
 aan lagugu maydhayn oo mayd kaaga laga raro
musuq maasuqaa dhala.
***
"maah maahbaa waxay ahayd
macal cune muuqan doonee
musuqa cune muuqan doonee"
***
midiyo seedaha jariyo musbaar teetena ah iyo
marwaa mugdi lagu dhex lumo
marwaa marad iyo xanuun wuxuu mijo xaabiyaa
majarihii dawladnimo
***
masiibo colaada iyo mushkilad la is wada diloo
miciinku is wada qashoo la ismagan geliwaaya iyo
dagaal macaluul ka tagaa midhkaasaa laga dhaxlaa
musuqa taasaa laga dhaxlaa

halkan kaga boqo:  https://www.youtube.com/watch?v=OwZZHL_Dcrs

No comments:

Post a Comment