Thursday, March 2, 2017

Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane!



Somalidii ku dhaqnayd geeska Afrika ee la bartay xilligii gumaystuhu qaybsaday una kala jar-rajay shanta meelood ayaa la sheegaa inay ahaan jireen gumeystaha ka hor ummad u dhaqan hab qabiili ah oo isma bixiso ah, wax ilbaxnimo ah oo horumar lagu beegsado ama lagu majeertana aan lahayn. Hasa yeeshee waxaa lagu sifeeyaa ummad fir-fircoon oo dadaal badan; waxay u hagar baxaanna si fudud uga midho dhalin kara.
Gumaystuhu wuxuu heeryadiisa ka laab-laabtay muddo laga joogo 57 sano isaga oo aan waxba u qaban; ha ahaato aqoon, kaabayaal dhaqaale iyo farsamo toona. Waxaa majarihii la wareegay Somalidii ahaan jirtay qabaail ka aan isbixin oo xornimadii lagu wareejinayayna ku sifeeyey HAL ka mida geelii ay kala dhici jireen, oo ay weliba usii dheertahay kala xad ama waxa loo yaqaanno Musuq.
Abwaan Somaliyeed (Qaasim) ayaa markuu ka yaabay hab dhaqankii madaxdii hogaanka u haysay Somalida gumaystihii ka dib wuxuu ka mariyey tix ay ka mid ahaayeen tuducyadan.  


“Dayaxaa lakala boobay, iyo dirirkii cawleedee,
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxa loo eegayaa, sacana waa daaqee,
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye
Nin da'dii halkaas gaadhay oo daalan baan ahayee,
Ha yeeshee dirkeedu ha da'ee, doqoni waa moogee,
Daab godimo weli sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maayaanee”



Maxaa kuu baxay, abwaanku wuxuu tixdan tirinayay muddo laga joogo dhawr iyo konton sano; tolow adna maxaad ku cabiri lahayd maanta!, bal fikir
Haddii dadnimadaada, xadaaradaada, aqoontaada iyo Dawladnimadaadu kuu horseedi waayaan inaad baahidaada ku fillaato; kuuna goyn waayaan in asaagaa kugu ixtiraamo kuguna qadariyo waxaad tahay ummad jaban.
Sida taariikhtu inoo ifisay qaranna aduunka horumar kuma gaadhin taakulo debedeed, dhaqan shisheeye iyo gacmo ajaanib siiyey, ee ummadda u dhalatay ayaa dhagaxa u shiishay; maskaxdana u tuujisay sidii ay horumar u gaadhisiin lahaayeen qarankooda, quruumaha kalena ugula tartami lahaayeen xadaaradooda, iyagoo iska rabaaliyey ama gadaal iska dhigay wixii ay isku khilaafsanyihiin ee ka suul daaraaya horumarkooda.

Ummada Somaliyeed waxaa ka leexday jiheeyihii oo markii horeba meel khaldan ka maray, balse waxaa hore loo yidhi “ caano daatay dabadood la qabay” ee maanta ayay inoo taallaa inteenna nool ee howl karka ah inaynu jiho kale jiheeyaha u dhigno oo ka daba gaynno ummadeenan luuf-luuftay umadaha tanaaday ee caalamka oo hadda ku naaloonaaya inay joogteeyaan horumarkii ay gaadheen ulana baxay “ sustainable development stage”
Waa cashar u yaalla shakhsi kasta oo Somali ah dawlada uu doono haku hoos noolaadee  inuu naftiisa ka bilaabo xisaabta oo eego inuu hayo wadadii lagu hoobtay 57dii sano ee ina dhaafay ee ahayd qabyaalada, qolo qoloda, musuqa iyo fadhiidnimada. Hadii aad calaamadahaa iska hesho fadlan fursad ayaad haysataa aad dhakhtarka ku tagto isaga dawayso fursadaa, ogow dhakhtarku mid tigidh loo goosanaayo maahee waa qaybta wanaagsan ee ilaahay ruuxdaada ku daray oo aad toosiso, 

Bal markale ila eeg erayadii abwaan qaasim uu ku werinaayey xaaladdii uu gumaystuhu kaga tegey ummada Somaliyeed, bal adna maanta miisaanka saar
“Umaddii daryeel wali helin daacada ahaydee,
Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee,
Sidii bay duleedada dhar li;i ugu dab jeexaannee,
Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee,
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha,e,
sidii baa docuhu aqaladu uga daloolaannee,
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaayee,
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee,
Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,
Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee”

 Maanta 57 sano oo aynnu xornimo haysanay ka bacdi ummaddeenii waa sabool, silic u dheeryahay, weli wey dagaalamayaan, intaa abwaan qaasim sheegay iyo weliba saayid ayay qabtaa, jiho malaha, jawaabna uma haynno 10ka, 20ka, 50ka iyo 100ka sano ee soo socda meesha aynnu ku wadno!, bal adba ‘mar kale fikir”, Horaa looyidhi “raqba waa ku raggeed” maanta adiga ayay kula taalla inaad taariikhda leexiso oo horumar horseedo iyo inaad dhinacaaga ka raacdo wixii soday. Illaahow na waafaji

No comments:

Post a Comment