Friday, March 30, 2018

Kulankii dhaymaha qaranka (Qabyaaladdiid)


Kulankii qabyaalad-diidka ee ka qabsoomay magaalada Burco 29-30 March 2018; wuxuu ahaa kulan aan ka baaqday balse qalbigaygu ka qaybgalay, waan bogaadinayaa dhallinyarada is xilqaantay ee u istaagay inay bulshadooda baraarujiyaan, xalna u raadiyaan mushkiladan.

Qabyaaladdu waa masiibada ugu weyn ee haysata qarankan Somaliland, kasoo bilaw xilligii laga xoroobaayay gumaystaha ogow wixii Xamar ina geeyey waxay ahayd inaynu qabiilooyinkeena kala badbaadinno; marka si dhab ah loogu fiirsado arrintaas; walaw aan si cilmiyeysan loo baadhin hadana illaa hadda inta laga qoray waxay muujinaysaa isu muuqadka qabiilooyinka ayaa keeney inaynu qarankeennii ku dhex tuurno meel aynaan garanahayn waxa inagaga soo baxaaya, dabadeedna weynagii eednay. Maanta oo laga joogo 58 sano weli waa masiibada ina haysata, ee saboolnimada iyo sidaynnu nahayba inoogu wacan, xalkeeduna waa arrinta shirka Burco lafa guray maanta.

Waxaan ku talin lahaa inta aynnu sharaxaynno dhibta qabyaaladda iyo waxyaabahay ina badday; waxaa ka haboon in la keeno wixii looga bixi lahaa ama lagu yareyn lahaa oo cilimiyeysan (alternatives). Waxaan is leeyahay in la helo dhallinyaro ka xorowda danaha reereysan oo shacabka Somaliland u aragta mid qudha lana yimaada xisbi siyaasiya oo cusub marka la furo axsaabta, kuwan imikee allaw sahalka ahna aragti ku biiriya si wadanka loogu soo gaadho. Dabadeedna u mideeya ummadan inay ul iyo diirkeed noqdaan, khayraadkoodana lasoo baxaan oo qaybsadaan, saboolnimada iyo dhiisha faqrigana tuuraan; ummadaha caalamkee tanaadayna feedha ka raacaan iyagoo haysta weliba fursad ay ku noqon karaan wadan muhiima oo adduunyada saamayn ku leh… wow waa maalmo gudohoode ma kaa go’antahay!.

No comments:

Post a Comment