Tuesday, January 24, 2017

Cudurka kaa gala fardaha, Haddii laga gubo dameer, Dawada lama gaadhayee...

Sixir bararka Somaliland ka jira weli xalkiisii lama helin, go'aanka golaha wasiiradu maanta kasoo saareena waa ka dar oo dibi dhal.
Waxaa wadanka ka jirta xil gudasho la'aan baahsan oo  cuqdadna ka qabta adeegsiga aqoonta. Waxaan ku talin lahaa qodobadan soo socda:





  •   In arrintan sixir bararka lagu fardaamiyo isu keenista aqoon yahanka wadanka si ay u keenaan xal waara oo dhaqaalaha wadanka jaho loogu sameeyo.
  • In sida ugu dhakhsiinyaha badan loo sii hakiyo qaadka iyadoo lagu soo rogaayo in aanu magaalooyinka soo gelin 12:00 duhurnimo ka hor, ugu danbayna 2:30 gelinka danbe, Meel aan bangiga dawladda ahayna waa in aan laga sarifin lacagta qaadka.
  • In Bangigu si dhakhso ah suuqa u geliyo lacag doolar ah si xaaladda loo qaboojiyo
  • In cashuurta lagu qaado noockasta oo ay tahay ba SL shillin.

Thursday, January 5, 2017

Shahaado sharaftii ay igu sagootiyeen maamulkii hore ee Dallada NAFIS

Sharaf ayay noo ahayd aniga iyo shaqaalahaygaba in Maamulkii sare (Board of Directors) ee aannu soo wada shaqaynaynay afartii sano iyo badhkii tegey ay nagu sagootiyaan shahaado sharaf ay igudoonsiiyeen; taasoo ay bogaadin iyo dhiirigelini ku dheehantahay, noona suntaysa inaanu muujinay karti iyo xilkasnimo la mahadiyey oo ka muuqata koboca iyo kuritaanka Dallada NAFIS Network.

Waxaannu mahad iyo bogaadin u celinaynaa Xubnaha maamulkii sare ee Dallada NAFIS network, gaar ahaanna Guddoomiyihii hore Amina X. Muhumed Warsame (Amina Milgo), oo hogaamin, karti iyo wada shaqayn nagu hogaaminaysay 4.5 sano ee ina dhaafay, waxaannu u rajaynaynaa barwaaqo iyo badhaadhe aduun iyo aakhiraba.

Wednesday, November 23, 2016

Musuq cune muuqan doonee | Aduunna saboolnimo aakhirana ciqaab

Erayo kooban oon kasoo xigtay heesta wacyigelinta musuqa ka digeysa ee fanaaniinta Liyuu ban ee Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya:
Musuqu waa shay aan nolosha aduunyana wax ka tarin; aakhirana naar iyo cadaab lagu mutaysto. Ogowo musuq maasuqu maaha lacag la xaday oo keliya, halkaan kaga boqo:

Thursday, September 29, 2016

Falanqayn kooban: Buugga Danjire Cawil Cali Ducaale ee Raad-raaca Taariikh Somaliyeed.

Buuggan oo ay daabacday shirkadda Sagaljet bishii 7aad ee sannadkan 2016ka wuxu ka kooban yahay 450 bog iyo 9 cutub, qoraaguna wuxuu u bixiyey RAAD-RAACA TAARIIKH SOMALIYEED; oo uu kasoo bilaabayo intii uu garaadsaday (ardaynimadiisii) illaa cimrigiisa maanta. Qoraagu si qodobaysan oo farshaxannimo ku jirto ayuu sawir buuxa uga bixinayaa xaaladdii geyiga Somaliyeed ee xilligii hana-qaadkiisa iyo gebi dhaclayntii ummada Somaliyeed ee illaa maanta.

Friday, April 29, 2016

Yoolasha Horumar Waara | Sustainable Development Goals

Waxay ahayd Bishii sagaalaad ee 2000 markii la ansixiyay qorshihii horumarineed ee ugu horeeyay
ee caalamku wadar ahaan u guddoonsado oo loogu magac daray «Yoolasha Horumarineed ee
Kunka sano» (Millinimum Development Goals), oo ahaa 8 yool oo shaqaynaayay 20002015-kii.
Markii lasoo gaadhay 2014 kii ayaa dadaal loo galay sidii loo heli lahaa beddelka yoolashan
xilku ka sii dhammaanayo, waxaanay Qaramada Midoobay iska xil saartay inay la tashado
Bulshooyinka Adduunka, si loogu saleeyo waxay mudnaanta siinayaan. Halkan kala deg Buuga oo dhamaystiran

Yoolasha Horumar Waara | Sustainable Development Goals

Waxay ahayd Bishii sagaalaad ee 2000 markii la ansixiyay qorshihii horumarineed ee ugu horeeyay
ee caalamku wadar ahaan u guddoonsado oo loogu magac daray «Yoolasha Horumarineed ee
Kunka sano» (Millinimum Development Goals), oo ahaa 8 yool oo shaqaynaayay 20002015-kii.
Markii lasoo gaadhay 2014 kii ayaa dadaal loo galay sidii loo heli lahaa beddelka yoolashan
xilku ka sii dhammaanayo, waxaanay Qaramada Midoobay iska xil saartay inay la tashado
Bulshooyinka Adduunka, si loogu saleeyo waxay mudnaanta siinayaan. HALKAN KA DEJISO
hakan guji