Tuesday, January 1, 2019

DAR XUMO DEEGAAN

5th October 2007
Waxaynu nahay ummad aan waxba ka aqoon waxa uu yahay deegaanku sababtoo ah wax dhibaato ah oo imika ka horeysayba inaga may soo marin waxaynu ahayn xoolo dhaqato; waxa keliya ee aynu uga baahnayna waxay ahayd daaqa xoolaha, dad keenuna intan wuu ka tiro yaraa, kana baahi yaraa; balse imika ayay ina haysataa dhib kii ka dhashay aqoon xumadeenii deegaan ku
Marka hore hadaynu qeexno deegaan waxa uu yahay, waxaa lagu sharaxaa:  “dhamaan wax yaabaha inugu hareeraysan noole iyo ma nooleba oo uu ku jiro “ecosystem” ku oo ah (wareega biyaha, wareega macdanta, is riixa jiilalka iyo qulqulka tamarta cadceeda) bulshada iyo wax qabad kooda”. Intaas  ayaa lagu sharaxaa deegaan ka ina uu ka koobanyahay.
Marka la soo qaado  deegaanka  waxaa qalbigeena ku soo deg-dega dhirta  iyo dhuxusha laga shidaayo  laakiin deegaanku intaa wuu ka balaadhan yahay waxaanu u baahan yahay in aynu wax ka barano; si aynu u bad baadino sababtoo ah wax aanad aqoon u lahayn ma daryeeli kartid, maahmaah carbeed baa tidhaah “dadku cadaw bay u yihiin waxaanay aqoonin”. Aqoon la’aanta dad keena ka haysatay deegaankooda iyo daryeel la’aantii ay u hayeen ayay lategeen intoodii badnayd debedaha  waxaanay noqotay astaanta la inugu garto (soomaali ahaan) wasakhaynta deegaanka iyo waxyeelaynta dhirta.

Waxaad arkaysaa laba qof oo geed hoos taagan, oo hadhsanaya, ama ku hoos sheekaysanaya, oo hadana sida riyaha geedka u rifaya Waxa aad moodeysaa in ay geedka u cadhaysanyihiin, Ogaansho la’aan, ayay laantay gaadhaanba dhulka u dhigayaan, waa caado xun, oo naxdin leh. Sidoo kale waxaad arkaysaa nin weyn oo geed kii keliya ahaa ee la hadhsanaayay garaacaaya hadaad tidhaa ka daana ku odhanaaya ma meherad kalaad wayday ama maadaa leh.
Markaa waxaa la inooga baahan yahay in aynu dareeno faa’iidada uu leeyahay geedku iyo in aynu inagu iska leenahay deegaanka kuna nidhaa qofka wax yeelaya annagaa iska leh ee noodaa hadaanad ka naxahayn, bal dheeho labadan baydee gabayga ah “Noloshuba dhir iyo waa hawiyo dhibica roobade, midkii kaa dhinaadaba illeyn waad udhimataayee
Waa in aynu ka dhiganaa daryeelka deegaan ka iyo u dagaalankiisa mid ka go’an qof kasta oo bulshadena ka mid ah ubadkeena soo korayana barno dhaqaalaynta deegaanka. Kuna ababino da’yarteena ilaalinta deegaanka. Dugsiyada hoosena lagaga bilaabo. Carruurteenu ha ku caqliyeysato, faa’iidada dhirta, daryeelka beeraha, iyo xanaanaynta duur-joogta, cayayaanka, shinbiraha iyo xoolaha. Ubadkeenu ha barteen dhaqaalaynta biyaha. Aynu barno, in ay wasakhda iyo nadaafad darradu keento cudurada sababtoo ah waa sida keliya ee aynu uga guulaysan karno dhibka deeganka inaga haysta, waana waajib ina wada saaran in aynu ubadkeena tusno, dariiqa horumarka lagu gaadhi karaayo. Waa in aynu carruurta ku abuurno, in ay jeclaadaan, qiimeeyaan, oo ay qadariyaan deegaanka. Waxa muhiim ah oo ay wadaniyaddu ku jirtaa, in dhinac looga soo wada jeesto, ka qayb galka, la dagaalanka xaalufka, nabaad guurka iyo wasakhaynta deegaanka.

Bacda oo ah shayga ugu khatarsan ee aynu isticmaalo waa in aynu iska joojinaa, keenaana wax lagu bedelo waxay aad u dhibaysaa dhirta, nadaafada iyo bilicda  dhulka waa caag (plastic) aan dhiman hadii uu galo carrada oo nabaad guuriyana dhulka saaxiibna malaha haba yaraatee. Markaa waa inaan ku bedelaa wax deegaanka lasaaxiibi kara sida jawaano yar-yar IWM. hadii aynu iska dayno inaynu wax ku qaadano ubadkeenana u sheegno, qoladan qaad kana illeen mijin kastaa bacbay u baahantee jawaanu yar-yar ama cimaamado u samayno, ganacsatadana lagu amro in aanay keenin dalka ama cashuurta lagu kordhiyo oo jawan ku ka jabnaado waa joojin karnaa ee bulshay maxaa inoo balana?
Sidoo kale dhuxusha oo ah iyana shayga ugu xun ee beryahan inagu soo kordhay ka ganacsigiisu waxa uu lakacay dhirteenii intii badnayd waxaa uu layimid xaalufin hor leh, markaa waan in aan u helnaa xal deg deg ah oo ganacsi ayay gashaye aan ku daawaynaa hab ganacsi dadkan ka shaqaystana u helnaa xal ay kaga maarmaan dhuxusha shidisteeda.
Hadii aan sidaa yeelno waxaan ku noolaanaynaa deegaan cagaaran oo ka caafimaad qaba xaaluf, abaarro, wasakh, iyo cudurro intaba hadaynaan yeelina waxaan halis unahay in aan ku noolaan kari waynu dhulkeena oo ka yaacno markaan ka weynu hawo wanaagsan, roob, caafimaad iyo qurux toona markaa waa in aan kala dooranaa labadaas xaaladood.

 Abdirahman Osman Gaas
gaas96@gmail.com

1 comment:

  1. Tagged "bosanze in food" - Titanium-arts.com
    Find out about titanium-arts.com - Tagged "bosanze in food", ray ban titanium Tagged titanium bohr model "bosanze in titanium white wheels food", Tagged titanium bolt "bosanze in food" head titanium ti s6

    ReplyDelete