![]() |
5th October 2007 |
Waxaynu nahay ummad aan waxba ka aqoon waxa uu yahay deegaanku sababtoo
ah wax dhibaato ah oo imika ka horeysayba inaga may soo marin waxaynu ahayn
xoolo dhaqato; waxa keliya ee aynu uga baahnayna waxay ahayd daaqa xoolaha, dad
keenuna intan wuu ka tiro yaraa, kana baahi yaraa; balse imika ayay ina
haysataa dhib kii ka dhashay aqoon xumadeenii deegaan ku
Marka hore hadaynu qeexno deegaan waxa uu yahay, waxaa lagu sharaxaa: “dhamaan wax yaabaha inugu hareeraysan noole
iyo ma nooleba oo uu ku jiro “ecosystem” ku oo ah (wareega biyaha, wareega
macdanta, is riixa jiilalka iyo qulqulka tamarta cadceeda) bulshada iyo wax
qabad kooda”. Intaas ayaa lagu sharaxaa
deegaan ka ina uu ka koobanyahay.
Marka la soo qaado deegaanka waxaa qalbigeena ku soo deg-dega dhirta iyo dhuxusha laga shidaayo laakiin deegaanku intaa wuu ka balaadhan
yahay waxaanu u baahan yahay in aynu wax ka barano; si aynu u bad baadino
sababtoo ah wax aanad aqoon u lahayn ma daryeeli kartid, maahmaah carbeed baa
tidhaah “dadku cadaw bay u yihiin
waxaanay aqoonin”. Aqoon la’aanta dad keena ka haysatay deegaankooda iyo
daryeel la’aantii ay u hayeen ayay lategeen intoodii badnayd debedaha waxaanay noqotay astaanta la inugu garto
(soomaali ahaan) wasakhaynta deegaanka iyo waxyeelaynta dhirta.