Tuesday, January 1, 2019

DAR XUMO DEEGAAN

5th October 2007
Waxaynu nahay ummad aan waxba ka aqoon waxa uu yahay deegaanku sababtoo ah wax dhibaato ah oo imika ka horeysayba inaga may soo marin waxaynu ahayn xoolo dhaqato; waxa keliya ee aynu uga baahnayna waxay ahayd daaqa xoolaha, dad keenuna intan wuu ka tiro yaraa, kana baahi yaraa; balse imika ayay ina haysataa dhib kii ka dhashay aqoon xumadeenii deegaan ku
Marka hore hadaynu qeexno deegaan waxa uu yahay, waxaa lagu sharaxaa:  “dhamaan wax yaabaha inugu hareeraysan noole iyo ma nooleba oo uu ku jiro “ecosystem” ku oo ah (wareega biyaha, wareega macdanta, is riixa jiilalka iyo qulqulka tamarta cadceeda) bulshada iyo wax qabad kooda”. Intaas  ayaa lagu sharaxaa deegaan ka ina uu ka koobanyahay.
Marka la soo qaado  deegaanka  waxaa qalbigeena ku soo deg-dega dhirta  iyo dhuxusha laga shidaayo  laakiin deegaanku intaa wuu ka balaadhan yahay waxaanu u baahan yahay in aynu wax ka barano; si aynu u bad baadino sababtoo ah wax aanad aqoon u lahayn ma daryeeli kartid, maahmaah carbeed baa tidhaah “dadku cadaw bay u yihiin waxaanay aqoonin”. Aqoon la’aanta dad keena ka haysatay deegaankooda iyo daryeel la’aantii ay u hayeen ayay lategeen intoodii badnayd debedaha  waxaanay noqotay astaanta la inugu garto (soomaali ahaan) wasakhaynta deegaanka iyo waxyeelaynta dhirta.