Monday, February 29, 2016

Daba huwan

Hees maaweelo caruureed oo xikmad weyn xambaarsan
"Daba huwan"
Naa laago-laago, daba huwan
naa laan-galoola, daba huwan
naa ma ila diiran, daba huwan
kula diiran maayo, dabahuwan
anba waan iska diiran, dabahuwan
oo maxaad ku diiran, daba huwan
midideyda daabcad, daba huwan
daab kaa dillaaci, daba huwan
gees goodirkeyga, daba huwan
wuu kaa gamuurmi, daba huwan
abtigey buraale, ayaan gudin u doonan
oo shalayba guurye, daba wan
iyadoo sidaasa, anigoo sidaasa
oo hoogayey leh, oo hawd u jeeda
ayay Koori yeedhey, waa Geel aroora
koran baa u horeeya, qaalin baa u dhexeysa
duqbaa u dhanbeysa,
korankiibaan ku boodey, kuruskaan xafuujey
subag baa dareerey, naa faaya fuuqso
waxba fuuqsan maayo, anba waan iska fuuqsan
qaalintiibaan ku boodey dhaadkaan ku jiidey
dhuuxbaa dareerey, naa faaya fuuqso
waxba fuuqsan maayo, anba waan iska fuuqsan
duqdiibaan ku boodey, candhadaan xafuujey
caanaa dareerey, naa faaya fuuqso
waxba fuuqsan maayo, anba waan iska fuuqsan

 Hees caruureedani waxay xanbaarsantahay xikmad iyo fariin culus oo ay ugu weyntahay haddii ummadu is miciinsad weydo, aqoonna adeegsan weydo inay hoog iyo habawgaa ku danbaynayso.